Soomaaliya iyo Wadada Xariirta:
wadada Xariirta (The Silk Road) wa wado ganacsi oo qadiimi ah taas oo ay isticmaali jireen ganacsatadii reer Aasiya iyo Yurub si ay u kal gooshaan marki ay taariikhda aheyd 340 AD. Wadadaan waxa ay kulmisaa ama ay xiriirisa wadamo kala duwan siyaasad ahaan, ka la hormarsan dhaqaale ahaan sidaas oo kale ka la gedisan dhaqan ahaan, dhacana qaaradaha Aasiyo, Yurub, Bariga Afrika iyo dhulka Carabta. Sanadkii 2013 aya dowlada Shiinaha bilowday inay dib u soo nooleyso wadadii Xariirta si loga faa’ideysto isku xirka Barriga iyo Badda. Wadamada ay xiriirin doonto wadadaan wax ka mid ah Shiinaha, Usbakistan, Pakistan, Iran, Turkiga, Ruushka, Giriiga, Hangari, Holland, Jabuuti, Kenya, Hindiya, Malaysia, Induniisiya, Filibiin. Wadankii ugu dambeye ee kuso biiray hal abuurkan cusub wa wadanka Talyaaniga o ka tirsan midowga yurub. Lacagaha la qorsheynayo ina lagu maalgeliyo Mashruucaan waa ku dhawaad 1 tirilyan oo doolar taas oo afar meelood meel (¼) ay ka imaan doonta ...