Soomaaliya iyo Wadada Xariirta:


wadada Xariirta (The Silk Road) wa wado ganacsi oo qadiimi ah taas oo ay isticmaali jireen ganacsatadii reer Aasiya iyo Yurub si ay u kal gooshaan marki ay taariikhda aheyd 340 AD. Wadadaan waxa ay kulmisaa ama ay xiriirisa wadamo kala duwan siyaasad ahaan, ka la hormarsan dhaqaale ahaan sidaas oo kale ka la gedisan dhaqan ahaan, dhacana qaaradaha Aasiyo, Yurub, Bariga Afrika iyo dhulka Carabta. 

Sanadkii 2013 aya dowlada Shiinaha bilowday inay dib u soo nooleyso wadadii Xariirta si loga faa’ideysto isku xirka Barriga iyo Badda.


Wadamada ay xiriirin doonto wadadaan wax ka mid ah Shiinaha, Usbakistan, Pakistan, Iran, Turkiga, Ruushka, Giriiga, Hangari, Holland, Jabuuti, Kenya, Hindiya, Malaysia, Induniisiya, Filibiin. Wadankii ugu dambeye ee kuso biiray hal abuurkan cusub wa wadanka Talyaaniga o ka tirsan midowga yurub. 

Lacagaha la qorsheynayo ina lagu maalgeliyo Mashruucaan waa ku dhawaad 1 tirilyan oo doolar taas oo afar meelood meel (¼) ay ka imaan doonta Shiinaha oo ah wadanka horkacaya Mashruucaan.  

Wadanka shiinaha waxa uu cadaadis iyo baratan adag ka kulmi doonaa midowga yurub iyo dowlada Mareykanka kuwaas oo doonaya inuu maalgashto midkiiba $60 Bilyan oo doolar. Sidaas oo kale wadanka ingiriiska ayaa isagana waxa uu qorsheynaya inuu noqdo wadanka ugu badan ee maalgashi ku sameya qaarada Afrika sanadka 2022 taas oo u sahli doonta inuu saami culus ku yeesho ganacsigeeda.

Ujeedo:

Marka hore wadadaan waa wado dheer taas oo isku xirta bad iyo bari, wadamo badan, caasimado kala duwan waxana lagu qiyasaya inay noqoto meelaha mustaqbalka dhaw jaangoyn doono horumarada dhaqaale ee dunida. 

Wadankeyga Soomaaliya waxa uu ku yaalaa ama heestaa boos ama bar lagama maarmaan u ah mashruucaan. Jabuuti marka ay kasoo tagto wadadaan, waxa si toos ah u wada mari doontaa dhaman teedka badaha Soomaaliya. Itoobiya iyo Kiinya macno daro uma soo ordaayaan.

Hadaba suasheydu waa side looga faa’ideysan karaa? 

Fadlan aragtidaada nala wadaag.

Source: Bloomberg, HSBC, JP Morgan, World Bank and Invesco.

Comments